Howlgallo culus oo Saaka ka socda Magaalada Gaalkacyo.

GAALKACYO (IDIL NEWS)-Ciidamada ammaanka Dowladda Puntland, ayaa howlgallo culus ka wadda Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, oo shalay ay ka dhaceen Mudaharaadyo ka dhashay Kufsi iyo dil loo geystay Gabar yar.

Ciidamada Puntland ayaa Howlgalkan ka wadda Barro Cayiman oo lagu tuhmayo in ay ku nool yihiin kooxo qeyb ka ahaa Dhacdadii carada dhalisay ee loo geystay Caasho Ilyaas Aadan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa amray Ciidamada iyo Guud ahaan Laamaha ammaanka Dowladda Puntland in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo afjaro Kiiska Caasho, lana hor-keeno cid kasta oo ay kusoo cadaato Cadaaladda.

Sidoo kale, Guddi Dhakhaatiir ah ayaa loo saaray in Baaris ay ku sameeyaan Meydka Caasho Ilyaas, sida uu warbaahin u sheegay Madaxa Shaqadda iyo Shaqaalaha Isbitaalka Guud ee Magaalada Gaalkacyo.

Saraakiisha ammaanka ayaa shalay sheegay inay Dad u hayaan Kufsiga iyo Dilka loo geystay Gabadhan  yar, ayna weli wadaan Baaritaano ku aadan Dadka ku lug leh Dhacdadan.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading