Howlgallo ka socda magaalada Garoowe

Ciidammada Booliska gobalka Nugaal ayaa wada howlgallo lagu xoojinayo Amniga magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland, oo habeenadii lasoo dhaafay ay ka dhaceen falal amniga lidi ku ah.

Howlgaladan ayaa yimid kaddib markii habeen kahor weerar lagu qaaday hoyga uu magaaladda Garoowe ee ka degan yahay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Nugaal G/Sare Maxamed Aadan Jaamac, iyadoo habeenkii ka sii horeysay duleedka Garoowe lagu dilay sarkaal rayid ah oo kamid ahaa Ciidanka PMPF Puntland.

G/Sare Maxamed Aadan Jaamac, Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Nugaal ayaa sheegay in Amniga magaalada Garoowe uu aad u wanaagsan yahay, waxaana uu fariin u diray dadka baraha bulshada ku faafiya wararka lagu suurad xumeynayo Amniga caasimadda Puntland.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading