Hubka la qorshaynayo in loo fasaxo Somaliya waa noocee?

Weli lagama fududayn Cunaqabatayntii Hubka Dowlada Somaliya.

Sanadkan dabayaaqadiisa Shirka Qaramada Midoobey,ayaa loo ballamay in dib u eegistii ugu danbaysay lagu sameeyo.

Ka hor,waxaa la rabaa in la helo midnimo Siyaasadeed iyo qorshe farsamo oo Somalidu heshiis ku tahay si loo fuliyo fududaynta Cunaqabataynta Hubka.

Ilaa iyo hada ma muuqato in Dowlada Dhexe iyo DG ku heshiin karaan qorshe Farsamo oo Hubka loo baahan yahay lagu maareeyo.

Dowladaha reer Galbeedku,waxay danaynayaan in loo fasaxo Somalida soo iibsashada Hubka oo aysan ku jirin…

1.Diyaaradaha.
2.Taangiyada.
3.Madaafiicda qaar.

Dowlado kooban,ayaa hadana loo qorshaynayaa in ay Somalidu Hubka ka soo iibsan karaan….

1.Maraykanka.
2.Shiinaha.
3.Turkiga.
4.Masar.

Jibril Qoobey.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading