IGAD Oo war kasoo saartay xiisada siyaasadeed hay’adaha fadaraaliga ah Ee Somaliya

Urur goboleedka IGAD ayaa Isniintan maanta ah sheegay inuu mar kale ku celinayo qaddarinta uu u hayo madaxbannaanida, xudduudaha dhulka, madax-bannaanida siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya, sidaasina waxaa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay ururka IGAD.

IGAD ayaa sheegtay inay ka walwalsan tahay oo ay si dhow ula socoto xiisadda siyaasadeed ee cusub ee Soomaaliya oo halis gelinaysa horumarka wayn ee la sameeyay sannadkii la soo dhaafay, gaar ahaana is mariwaaga siyaasadeed ee ka dhex aloosan xubnaha sharci dajiyaasha dalka taasoo halis dib u dhac ku keeneysa dadaalada ay waddo dowladda hadda jirta ee la xiriirta dib u nidaaminta amniga hay’adaha cadaaladda, fursadaha dhaqaale ee sii kobcaya iyo sidoo kale inay adeegyada aasaasiga ah u gudbiso dadkeeda.

Warkana ka soo baxay IGAD ayaa lagu sheegay in sanadkii la soo dhaafay ay Soomaaliya sameysay hormar si xawli ah ku socday oo ku aaddan dhib u habeynta, taasoo ay sheegtay in mahadeeda ay leedahay xukuumadda hadda jirta oo wadashaaqeyn dhow la leh dowlad gobaleedyadeeda. Waxaana ay sheegtay inay soo dhoweyneyso horumarka laga gaaray.

IGAD waxay soo dhoweyneysaa horumarka laga gaaray hirgelinta heshiiska golaha amniga qaranka, gaar ahaan heshiiska siyaasadeed ee dhowaan uu gaaray golaha amaanka ee qaramada midoobay ee 6-dii bisha Febraayo ee sanadka 2018-ka si loo aqoonsado ciidammada gobolka iyo sii wadida isdhexgalka ka dhexeeya hay’adaha aminga qaranka.

IGAD ayaa sidoo kale ku boorrisay dhamaan hay’adaha federaalka ah ee Soomaaliya in ay ilaaliyaan midnimadooda iyo isku-xirnaanta, si loo xaliyo khilaafka siyaasadeed.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading