IIBGEEYN,WQ.Yaasiin Cabdullaahi Faash

IIBGEEYN

 

Iibgeeyntu macnaheedu waa macaammil ganacsi dhexmara iibiyaha iyo iibsadaha ee qaybta sayladda markaas bartilmaameedka ah (target market). Halkaas lacag caddaan ah ama wax kale oo loo arko in qiimo lacageed leeyihiin sida: dhul, guri, dahab, iwm, lagu kala beddesho sida alaabo ama adeegyo. Inkastoo qof mar ii sheegey in iibintu tahay farshaxan heshiis hoosaad (closed deal) la gaadhay, taas oo macnaheeda iyo nuxurkiisuba yahay. Sidaan horeyba u soo xusay, waa macaammil dhexmara iibiyaha iyo iibsadaha ee qaybta sayladda markaas bartilmaameedka ah (target market).

 

Haddaad xiiseeynayso in aad hagaajiso xirfaddaada iibgeeyneed, waxaad ogaanaysaa in taasi ka kooban tahay noocyo kala dudduwan, qaar in aad u isticmaasho si (positive) ah iyo qaar in aad ka fogaato (negative). Intuba waa xirfado iibgeeyneed.

 

Waxa habboon in la Isticmaalo Xirfadahan Iibgeeyneed ee soo socda

 

  • Iibinta alaab ama adeeg si sasabasho ah;
  • Iibinta alaab ama adeeg si cadaadis iyo kar la’aan ah;
  • Iibinta alaab ama adeeg qaab iskaashi ku dhisan, iwm.

 

Waxa habboon in laga fogaado xirfadahaan iibgeeyneeyd

 

  • Iibgeeynta alaab ama adeeg si cadaadis iyo kar ku dhisan, iwm.

 

Xirfadda iibgeeyneed ugu wanaagsan waa tan sasabashada ku dhisan. Badi iibgeeyayaashu waxay isticmaalaan xirfadda iibgeeyneed sasabashada ku dhisan. Alaabtaad doonto iibi, waxaa loo baahanyahay in diiradda la saaro in macaamiisha loo soo jeediyo faa’iidooyinka alaabta iyo adeegu macaamiisha u leeyihiin.

 

Faa’iidadu waa wax ama la taaban karo ama aan la taaban karin. Alaabada iyo adeegyaduba ma iibsamaan, haddii aysan macaamiisha ka dhaadhicin in ay helayaan faa’iidada shayga ay iibsanayaan. Bal ka feker, maxay dumarku cillaanka iyo waxyaalaha kale la isku qurxiyo u isticmaalaan ?  Ma jirtaa cid u baahan baaskiilo ?

 

Taa weeye farshaxanka iibgeeyntu.

 

Yaasiin Cabdullaahi Faash

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Be the first to comment on "IIBGEEYN,WQ.Yaasiin Cabdullaahi Faash"

Leave a comment

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading