Ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Puntland oo gaartay Muqdisho (Sawirro)

Qaar kamid ah Ilaalada gaar ah Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni ayaa diyaar khaas ah maanta ka qaaday magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, iyadoona ka dajisay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Ciidammada oo aad u hubeysan kana kooban noocyada kala duwan ee Ciidammada Puntland, sida Birmadka Madaxtooyadda, PSF & PMPF ayaa waxaa wehlinayay Qaar kamid ah kooxda hab-maamuuska ee Madaxtooyadda.

Ciidammada Birmadka Madaxtooyadda ayaa Sawiradoodu kasoo muuqdeen baraha Bulshada, taas oo hadal-heyn badan ka dhex abuurtay bulshada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa isaga lagu wadaa inuu Muqdisho gaaro Isniinta, Ciidammada maanta tagay ayaana la wareegay hoyiga loo diyaariyay Madaxweyne Deni oo tan iyo markii la doortay aan tagin Muqdisho.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading