Ilhaan Cumar iyo Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan,ayas wada booqday Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee Gal-Nugaal.

Isbataalkan oo laga dhisay Garowe,waxaa si wada jir ah u hirgeliyey Jaaliyadda iyo Ganacsatada Puntland.

Gol-Nugaal Hospital wuxuu qabtaa shaqo muhiim u ah caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka.

Wasiirka waxaa uu Xildhibaan Ilhaan kala hadlay sidii loosii wadi lahaa tageerada Isbitaalkan iyo weliba sidii guud ahaan caafimaadka Puntland loogu xiri lahaa hay’adaha iyo Dowladda Maraykanka.

Wasaaradda Caafimaadka ee Dawladda Puntland waxay si dhow ula shaqaysaa una taageertaa Isbataalkan.


DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.