Ilhaan Cumar oo lagu eedeeyay Musuq-maasuq

6,000 oo Dollar mahan lacag badan,balse waa sifo sharciyan lagu waxyeelayn karo Ilhaan Omar.

Gudiga Doorashada,ayaa sheegay in lacagtaas loogu talagalay Ololaheeda Doorashadda,balse u adeegsatay si Shaqsiyadeed, iyadoo Kharajkaasi qeyb ka yahay Socdaal ay ku tegtay magaalladda Boston iyo dalka Estoniya.

Saraakiisha Guddiga Doorashadda ee Gobalka Minnesota,ayaaba sheegaya in ay dhamaystireen Baaritaankooda ku aadan eedeynta Ilhaan.

Inta badan Dadka la socda siyaasada Maraykanka,waxay u arkaan eedayntan in ay tahay wax laysku soo aadiyay oo ay ka danbayso ujeedo,madaama ay Ilhaan dhawr jeer erayo kulkulul ka tiri arimaha Srael iyo Trump.

Ilhaan oo soo noqotay Xubin Aqlka Wakiilada ee Minnesota,hadana ah Senatar ka tirsan Aqalka Kongereska Maraykanka,ayaa samaysay magac iyo taariikh meel sare gaaray.

Hadiiba ay dhacdo in ay eedayntan ku helaan Senatar Ilhaan Cumar, ma noqon doonto mid wax u dhima doono magaca iyo maqaamka ay gaartay.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading