Ilhan Cumar oo ku dhawaaqday inay ka qeybqaadanayso gurmadka fatahaadaha

Ilhaan Cumar oo ka mid ah Golaha Wakiillada dalka Mareykanka mucaaradna ku ah Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegtay in ay kaalinteeda ka qaadaneyso gurmadka fatahaadaha Soomaaliya.

Qoraal ay ku soo daabacday bogga Twitterkeeda ayey ku qortay in ay aad uga xuntahay waxa ka socda Soomaaliya.

Waxaa ay sheegtay in isbedelka Cimillada iyo Fatahaadaha ay ugu weynyihiin waxa sababaya dhibaatada ka socota Soomaaliya.

Ilhaan Cumar ayaa sidoo kale ku baaqday in qof kasta kaalintiisa ka qaato arrintan si loogu gurmado dadka ay saameeyeen Fatahaadaha.

Waxaa ay sheegtay in ay heshay warbixin ku saabsan 180,000 oo qof oo ku barakacay fataahadaha ku dhuftay gobolka Hiiraan.

Fatahaadaha ka jira magaalada Beledweyne ayaa waxa ay ku barakacay kumanaan qoys iyadoo aysan jirin gargaar muuqda oo ay qoysaskaasi heleen.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading