Imaamka Masaajidka barakaysan ee Xaramka Sh.Cabdiraxmaan Sudeysi ayaa daahfurey Hannaan fogaan-arag ah ‘Virtual Stone Initiative’ kaasi oo dadka u suuraginaya in iyaga oo dalalkooda/guryahooda jooga ay taabtaan ‘Xajru-aswadka’ si fogaan-arag ah.

“Waxaan leenahay goobo diimeed iyo taariikheed oo waaweyn oo ay tahay inaan hannaanka casriga ah la jaanqaadsiinno, si qof walba ula xidhiidho anagoo adeegsanayna tignoolajiyaddii ugu dambaysay”. Sh.Suudeysi.

Warbaahinta carbeed qaar kood ayaa ku warramay in ay jidka ku soo jirto ‘Fadwo’ lagaga hadlayo suurtagalnimada in qofku ku xajiyo hab fogaan-arag, iyada oo la cuskanayo kala xidhanka dunida ee karoonuhu kasbay.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.