Imaaraadka Carabta oo kula taliyay Maraykanka isticmaalka Garoonka Diyaaradaha Berbera

Wargeysa shebaintelligence,ayaa qoray war ku saabsan fikrado ay usdhaafsadeen Dowladaha Imaaraadka iyo Maraykanka oo saamayn ku leh SL.

Xogta warkan ku jirta kaliya waa talo soo jeedin Lataliyaha Amniga Qaranka Imaaraadku la wadaagay Lataliyaha Amniga Qaranka Maraykanka.

Xogtu ma sheegayso go’aan ama heshiis lawada gaaray,waxayse tilmaamaysaa in uu jiro xiriir Imaaraadka soo dhexmaray oo SL lagala yeeshay arinkaas.

Soo jeedinta uu Madaxa Sirdoonka Imaaraadka ugudbiyay Lataliyaha Amniga Qaranka Maraykanka,ayaa waxay tahay in Saldhiga Berbera loo isticmaalo la dagaallanka Xuutiyiinta Yemen.

Sida la filayo hadii Maraykanku go’aansado in uu isticmaalo Dekeda iyo Garoonka Diyaaradaha Berbera,waxa uu fasax ka doonan DFS.

Si walba oo ay tahay SL,waxay utahay fursad Diblomaasi oo sare iyo mid Milleteri,dhanka kalena,waxay ku tahay khatar Milleteri,balse Libin lama gaaro hadaan la qaadan go’aamo khatartooda leh.

Imaaraadka,waxay utahay fursad uu ku sii xoojisanayo saamyntiisa Gobolka iyo go’aamada waa weyn ee caalamka.

Waxaa jira loolanka Gobolka ah oo udhaxeeya Dowladaha Imaaraadka,Sacuudiga iyo Masar.

shebaintelligence.uk/replacing-the-


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading