Imaaraadka oo hoos u dhigay soo dhaweyntii Madaxweyne Deni

IDIL NEWS(DUBAI),Dowlada Imaaraadka Carabta waxay hoos u dhigtay soo dhaweyntii Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo ay martiqaad ufidisay kal hore,balse shalay gaaray dalkaas.

Deni,ayaa garoonka kala kulmay bahdilaad waxaana uu kasoo baxay qaybta Dadka caadiga ah,iyadoo aysan jirin madax uga hortagtay garoonka marka laga saaro shaqaale hoosaad.

Sidoo kale Madaxweyne Deni waxaa la dajiyay Hotel maqaamkiisu hooseeeyo.

Bahdilaadan Diblomaasi ee Dowlada Imaaraadku kula kacday Madaxweyne Deni ayay Dadka falanqeeya siyaasada Somaliya waxay u arkaan dagaaal diblomaasiyadeed oo ka dhan ah Deni

.Sidoo kale waxaa xusid mudan in Dowlada Imaaraadku ka reebtay guud ahaan Waftigii usoo raaci lahaa Madaxweyne Deni Abu-dhabi marka laga reebo 3-Wasiir.

Isku soo wada duuboo Deni,ayaa umuuqda mid jahwareersan oo aan siyaasada arimaha dibada wax qorsheah ka lahayn.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading