Golaha Guud ee QM waxay 179 cod ugu doorteen Imaaraadka Carabta xubin aan Joogto ahayn ee Golaha Ammaanka ee QM ee sanadaha 2022-ka ilaa 2023-ka.
Kulankii 75-aad ee Golaha Guud ee QM ee Maanta oo Jimco ah yeesheen Fadhi qarsoodi ah oo lagu doortay 5 Xubnood oo cusub ee xubnaha aan Joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee QM ee sanadaha 2022 ilaa 2023, iyadoo Dowladda Imaaraadka Carabta u sharxanayd Kursiga Kooxda dowladaha Qaaradda Aasiya iyo kuwa ku xeeran Badweynta The Pacific Ocean.
Dowladda Imaaraadka waxay Kursiga xubin aan Joogto ahayn ka noqotay Golaha Ammaanka ee QM sanadkii 1986-dii ilaa 1987-dii.
Dhinaca kale, dalalka Albania, Brazil, Gabon iyo Ghana ayaa iyagana loo doortay Xubnaha dalalka aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee QM ee sanadaha 2022-ka ilaa 2023-ka.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.