Imaaraadka oo Puntland ka taageeraya tayaynta Booliska

Dowlada Imaaraadka,waxay si rasmi ah unoqonaysaa garabgalaha Ciidanka Booliska Puntland.

Gudi ka socda Wasaarada arimaha gudaha Imaaraadka,ayaa ujoogay Garowe diyaarinta qorshaha Imaaraadku ku taageerayo Ciidanka Booliska Puntland.

Sida la filayo dhawaan ayay si toos ah ubilaabanaysaa taageerada Imaaraadka ee Ciidanka,iyagoo ka garabgalaya….

1.Mushahaarka.
2.Tababarada.
3.Qalabka.
4.Gaadiidka.

Booliska Puntland haduu helo taageero caalamiya loogana faa’iideeyo oo aan la musuqmaasuqin,wuxuu noqonayaa mid ay sarayso tayadiisu.

Haatan Booliska PL waxa uu dhan yahay tira ahaan 4000 oo Askari,isagoo si joogta ah uga hawlgala 150 Xarumood oo guud ahaan PL oo idil ah.

Balse tayada iyo tiradiisuba waa ka hooseeyaan heerkii laga rabay.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading