Daamurkan,waa Laba Markab oo Imaaraadku ugu deeqay Dadka reer Puntland ee ay Walaalo yihiin,waxaana loogu talagalay in lagu dhiso Laba Wado oo kala ah……
1.Ceel-daahir-Ceerigaabo.
2.Xarfo-Galkacyo.
3.Wadooyin 27-km oo Gudaha Bosaso ah.
Halkaas,waxaa kusoo xirmay kuwii soo dhexmarayay Wadada Xarfo-Galkacyo ee Xamar laga soo dirayay.
Sidoo kale,waxaa Warkii ka xirmay kuwii dooda ay PL ku fogaynayaan ka dhigan jiray daahida dhamaystirka Wadada Ceel-daahir-Ceerigaabo.
Sanaag Abid ma yeelan Wado Laamiya PL ka hor oo kama helin wax horumarin ah 30-kii Sano ee ay jirtay Jamhuuriyadii Somaliya 1960-kii ilaa 1990-kiii.
Imaaraad Quluubta Shacabka Puntland,ayuu kasbaday,waxaana loo hayaa xeer aan abid la ilaawi doonin.
Dagaalka argagixisada hagarbaxa uu galiyay iyo doorka uu ka qaatay Mashaariicda horumarineed saamayn ayay abuurtay.
Sidoo kale Wadan dagaal ku jira oo hadana Kaabayaashiisa Dhaqaalaha hormarsansanaya Puntland,ayaa laga helaa,waana wax muujinaya awooda Maamul heerka ay gaarsiisan tahay.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.