Imaaraadka oo xaqiijiyay in uu sii wadayo taageerada dib udhiska Ciidamada Somaliya

Wasaaradda Gaashaandhigga Imaaraadka Carabta,ayaa shaaca ka qaaday in shahiideen Saddex ka mid ah ciidamadeeda qalabka sida iyo askari ka tirsan Ciidanka Difaaca Baxreyn iyo dhaawaca labo kale fal argagixiso oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Imaaraadka,ayaa xaqiijiyay in Ciidankaas ay u joogeen Soomaaliya waajibaad shaqo oo ah tababarka iyo tayeynta Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, kaas oo qeyb ka ah heshiiska laba geesoodka ah ee Imaaraadka iyo Soomaaliya ee Qaab-dhismeedka iskaashiga milatari ee labada dal.

Dowladda Imaaraadka ,yaa sheegtay inay sii wadi doonaan wada shaqaynta iyo iskaashiga ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya ee lagu baarayo fal-dambiyeedkaas argagixisinimo.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading