IMF oo digniin adag ka soo saartay dagaalka Ganacsi ee Mareykanka iyo Shiinaha

Hey’ada lacagta aduunka ee loo yaqaan (IMF) ayaa ka digtay dagaalka dhanka Ganacsiga ah ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Shiinaha.

War saxaafadeed ka soo Khamiistii shalay ayaa lagu sheegay hardanka u dhaxeeya labada dal ee ugu dhaqaalaha badan caalamka uu halis galin karo kobaca dhaqaalaha ee sanadkaan aynu ku jirno.

IMF ayaa intaa raacisay in caqabada ugu daran ay wajahayaan ganacsi macaamilka la ah labada Wadan.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sanadkii hore canshuur xoogan ku soo rogay shixnadaha Ganacsi ee Shiinaha.

Shiinaha ayaa dhankiisa uga jawaabay canshuur kordhin uu ku sameeyay badeecadaha Mareykanka,waxaana tani ay cadaadis ku abuurtay Ganacsatada.

Lacagta canshuurta ayaa lagu sheegay in ay ka badan tahay labada dhinac marka la isku daro 360$ oo doolarka Mareykanka.

Wadahadal u dhaxeeya maamulada Washington iyo Beijing oo dhacay bishan ayaa wax guul ah laga gaarin inkastoo maamulka Trump u wali ku hanjabayo canshuur kordhin kale.

Balse shiinaha ayaa ka biyo diiday canshuurtaan waxaana uu sheegay in marka laga reebo ayaga ay saameyn xoogan ku yeelaneyso kobaca dhaqaalaha Caalamka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading