IMF Oo Itoobiya udiiday Lacagahii Deynta

Wasiiru Dawlaha Wasaarada Maaliyada Itoobiya Dr Eyob Teklay,ayaa warbaahinta Reuters usheegay in ay Hay’ada Lacagaha Aduunka ee IMF ay hakisay hawlihii deyn cafinta Itoobiya.

Sidoo kale waxay IMF  joojisay deymaha ay Dowlada Itoobiya codsatay,iyadoo usababeynaysa Dagaalka TPLF iyo Dowlada Itoobiya udhaxeeya.

Wasiiru Dawlaha,ayaa intaas ku daray in ay Dawladiisu iskudayday waxkasta oo ay sameyn kartay oo xal nabadeed lagu gaari karay balse ay TPLF tahay cida hurineysa colaada.

Wasiiru-dowlaha,ayaa ugu danbayn sheegay in uu rajeynayo in ay IMF caawin doonto.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading