Imran oo laga joojiyay ka qaybgalka Doorashada Pakistan

Ra’iisulwasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan oo Xabsiga ku jira iyo inta badan taageerayaashiisa,ayaa loo diiday in ay isku sharxaan doorashada dhaceysa 8-da bisha February, sida ay Axadda maanta ah sheegeen saraakiisha xisbiga oo hadlayay ka dib markii ay dhammaatay waqtigii la isku diiwaangelin lahaa.

Khan,ayaa Xabsi ku jiray illaa bishii August, isaga oo wajahaya dacwado la xiriira dhowr kiis oo uu ku tilmaamay in loo soo abaabulay si looga reebo in uu doorasho ka qeyb galo isagoo hoggaaminaya xisbigiisa Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI).

Xiddiggii hore ee Cricket-ka,ayaa horraantii sanadkan lagu helay dambi ah in uu ku kacay fal dambiyeed, laakin maxkamad ayaa hakisay xukunkii saddexda sano ahaa ee lagu riday, iyadoo xukunkaasna uu racfaan ka qaatay.

Guddiga doorashada Pakistan (ECP),ayaa Khan ka mamnuucay in uu Xaafiiska u tartamo xukun danbiyeedka awgeed, laakin xisbiga PTI ayaa waraaqaha magacaabistiisa gudbiyay toddobaadkii hore.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading