In ka badan 31 Kun oo Arday oo maanta u fariisanaysa qaadista Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare

In ka badan 31 kun oo Arday ayaa maanta u fariisinaya Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare ee dowladda ay qaadeyso,kadib markii uu horay u fashilmay imtixaankii 11kii Bishaan ay qaadeysay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Qaybo ka mid ah Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa saakay si weyn loo adkeeyay, waxaana lagu waddaa in maanta ardayda dugsiyadda Sare ay u fadhiistaan Imtixaanka dowladda ee shahaadiga ah.

Baraha Bulshada ayaa xalay lagu arkaayay warqado kala duwan oo lagu sheegay inay yihiin Imtixaanka maanta ardayda u fariisanayaan, balse arrintaasi waxaa beeniyay masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Somaliya.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Somaliya Maxamuud Cabdulaahi Jaabiri ayaa sheegay in si wayn loo adkeeyay nidaamka qaadista Imtixaanka islamarkaana maanta si wanaagsan uu ku bilaabanayo imtixaanka.

 “Waxyaabaha baraha Bulshada lagu faafiyay ee la leeyahay waa Imtixaankii waa been abuur waa Imtixaan hore aniga ayaa Koontaroolay, marka dadka beenta faafinaya oo isku dayaya qal qal gelinta Imtixaanka waan uga digeynaa.” Ayuu yiri Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Somaliya.

Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare ee dalka oo sanadkaan Wasaaradda waxbarashada Somaliya ku fashilantay, ayaa ugu dambeyn la filayaa in maanta si hagaagsan uu ku bilowdo.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading