Ciidamada Difaaca Puntland,waxay Saakay Aroortii hore qaadeen weerar 5-Jiho ah oo ay ka qaybgaleen Laba Guuto oo ka kala tirsan Badda iyo Daraawiishta.
Ciidanku,waxay Cagta mariyeen Subixii horaba Fadhiyadii argagixisada ee kala ahaa….
B.Maygaag.
T.Godin daray.
J.Markadaan.
X. Godin saaf.
Kh.Yisilix.
D.Dhariin.
R.Haraaryo Talal.
S.Kur diini.
Kadib,waxay Ciidanku sii wadeen sifaynta argagixisada,waxayna gaareen Taliskii Shubka ka samaysnaa ayna usaarnaayeen Hubka culus argagixisada ee Tuulada Qurac.
Ciidamada Difaaca Puntland,waxay halkaas kula galeen argagixisada dagaal adag oo mudo socday,kaasoo ugu danbayn Ciidanku ku qabsaday Taliskaas.
Dagaalkaas Ciidanka PL,waxay ku dileen 42-argagixisada ah oo 10 ay tahay Ajaanib,waxay ku qabsadeen Hub iyo Saanad fara badan oo laga xusi karo…..
B.Suu Dhulka yaala.
T.Shilke Dhulka yaala.
J.Dhashiike Dhulka yaala.
X.Qoriga PKM oo 5 ah iyo 3-Isnaybar.
Kh.Tiro Akayaal ah.
Ciidamada Difaaca Puntland waxaa soo gaaray khasaare gaaraya…
1.10-Shahiiday.
2.30-Dhaawacantay oo 24 Dhaawacoodu aad ufudud yahay lagana soo qaadin Furinta hore.
Ciidanka Difaaca Puntland,waa Xaajaysteen Maanta,waxayna gudaha ugaleen 50-kii KM ee ugu danbeeyay Dhulka argagixisadu ku dhuumaalaysanaysay,iyagoo 20-KM oo ka mid ah nadiifiyay.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.