SIDA KU XUSAN TAARIIKHDA ETHIOPIA LAGA SOO BILAABO 2015 WAXAA HAREEYEY MUDAAHARAADYO IYO FOWDO WADA JIRA,KUWAAS OO KA QABSOOMAY GOBOLADA OROMADA IYO AMXAARADA KAASOO LAGU DIIDANYAHAY XUKUNKA TIGREEGA-
BISHII FEBRAAYO 15-2018 WAXAA IS-CASILAY RAYSAL WASAARE HAILEMARIAM DESALEGN,WAXAA SHIR U FARIISTAY GOLAHA DHEXE EPRDF WAXEYNA DOORTEEN ABIY AHMED OO KA SOO JEEDA QOWMIYADDA OROMO WAXAANA LOO DHAARIYEY JAGADA RAYSAL WASAARE 2-APRIL 2018.
ABIY AHMED WUXUU BAALMARAY GEBI AHAANBA DASTUURKII QORNAA EE XISBIGA TALADA HAYA EE EPRDF WUXUUNA TALADA DALKA HOOS GEEYEY HOGGAAMIYAHA RUUXIGA AH EE OROMO NINKA XAGJIRKA AH EE JAWAR MOHAMMED.
DAGAAL OOGE JAWAR MOHAMMED AYAA BOGGIISA TWITTER KU SOO QORAY IN MADAXWEYNE CABDI MAXAMUUD CUMAR XUKUNKA LAGA TUURO DABADEEDNA LA XIRO OO LA MAXKAMADEEYO.
MAALMO KADDIB OO KU BEEGAN 4- AGOOSTO 2018 WAXAA JIGJIGA KU SOO DUULAY OO QABSADAY CIIDAMADA FEDERAALKA ETHIOPIA,WAXAA MUDAAHARAAD SILMIYA KALA HORTAGAY SHACABKA DEEGAANKA,WAXEY MUKHAABARAADKA ETHIOPIA KU DARSADEEN SHACABKII BANAAN BAXAYEY KOOXO ABAABULAN OO WEJI KALE U YEELAY QADIYADDII KUWAASOO BOOB IYO DIL GEEYSTEY.
6- AGOOSTO 2018 WAXAA SI KHASAB AH OO BAALMARSAN DASTUURKA ETHIOPIA XUKUNKA LAGAGA TUURAY MADAXWEYNE CABDI MAXAMUUD CUMAR,WAXEYNA GOLAHA DHEXE EE XISBIGA TALADA HAYA DOORTEEN MUDANE AXMED CABDI MAXAMED INUU NOQDO MADAXWEYNAHA DOWLADDA MUDDADA KA HARSAN DOORASHADA GUUD EE ETHIOPIA 2020.
MAALIN KADDIB WAXAA JIGJIGA LAGA QABTAY .
MADAXWEYNE CABDI MAXAMUUD CUMAR IYO GUDDIGA FULINTA XISBIGA WAXAANA LOO DUULIYEY ADDIS ABABA,
MAALMO KADDIB WAXAA ADDIS ABABA LOOGA YEERAY GOLALAHA DHEXE XISBIGA TALADA HAYA,GOLAHA XUKUUMADDA,GOLAHA BAARLAMAANKA UGU DAMBEYN GOLAHA DHAQANKA AYAA ADDIS ABABA LA ISUGU GEEYEY.IYADOO LAGU JIRO WAX LAGU SHEEGAY TURXAAN BIXIIN,AYAA BOGGA TWITTERKA DAGAAL OOGE JAWAR MOHAMMED LAGU MAGACAABAY MUDANE MUSTAFA CAGJAR,WAXAA ANSIXIYEY RAYSAL WASAARE ABIY AHMED.
MARKII LABAAD EE DASTUURKA ETHIOPIA LA JEBIYO”
MUSTAFA MA´AHAN XUBIN GOLAHA DHEXE IYO GUDDIGA FULINTA XISBIGA TALADA HAYA,MANA AHA XUBIN GOLAHA BAARLAMAANKA DEEGAANKA,
HADDABA MUSTAFA AL-MUKHTAAR NINKA AY OROMO NOO DOORTEEN MA XALAAL BAA MASE WAA XARAAN SHEEGSHEEGIISAABA KA XUN.
24 AGOOSTO 2018 WAXAA QABSOOMAY SHIR TAARIIKHI AH OO DHEX MARAY GOLAYAASHA DEEGAANKEENA OO DHAN,WAXEYNA GOLAHA DHAQANKEENA U SHEEGEEN RAYSAL WASAARE ABIY AHMED IN DEEGAANKEENA AY KU SOO DUUSHAY DOWLADDA DHEXE,WADDANKII NABDOONAANA QAL-QAL LAGELIYEY,DOWLADDEENIINA LAGU SHAABADEEYEY MID FASHILANTAY
QODDOBKAASI NAMA QABTO,HADDII AY WAX XUMAADEEN WAXAA WADDANKA HOGGAANKA U HAYEY XISBIGA EPRDF OO AAD MAANTA ADIGA HOGGAAMISID,ANNAGU DEEGAANKEENA XUBIN KAMA AHEYN EPRDF OO 27-SANO WAXAA KA TALINAAYEY OO ISAGA DAMBBEYEY JANANO TIGRE AH.
HADDAAD IDINKOO OROMO AH AAD DIIDEEN DULMIGA TIGRAHA OO AAD KA XOROWDEEN ANNAGUNA DIYAAR UMA NIHIN YEERIN DAMBE,CIDNA KAMA YEELEYNO INEY BOGGA TWITTERKA NAGU XUKUNTO,DHIBTII DHACDAYNA IDINKAA KA MASUUL AH WAANA INAAD QAADATAAN MASUULIYADEEDA OO AANAY DIB DAMBE U DHICIN;CIIDANKA FEDERAALKA AHNA KA SOO SAARTAAN DEGAANKEENA..
UGU DAMBEYN WAXEY GOLAHA DHAQANKA U SHEEGEEN ABIY AHMED INUU XAL DEG-DEG AH KA GAARO COLAADDA OROMO EE DEEGAANKEENA KU JIHEHEYSAN,UNA SHEEGO OROMO INUU ISAGA DALKA XUKUMO OO AY OROMO GUULEYSTEEN HADDII AY KAA DIIDAANA UGU DHAARO INAAD ETHIOPIA AAD ADIGU MADAX KA TAHAY.
WAXAA HADAALKII QAATAY RAYSAL WASAARE ABIY AHMED WUXUUNA KU DHEERAADAY AMMAANTA DADKA IYO DEEGAANKA SOOMAALIDA,WUXUUNA YIRI DAHABKA OROMIYA WAA KHEYRAAD AY ETHIOPIA WADA LEEDAHAY,SIDAASI SI LA MID AH SHIDAALKA SOOMAALIDA WAA KHEYRAAD AY ETHIOPIA WADA LEEDAHAY;ARRIMAHA SHIDAALKA 5% WAXAAN KA WADAY DADKA U DHOW CEELASHA SHIDAALKA IN DIB U DEJIN LOOGU SAMEEYO.
WAXAA HADALKII QAATAY KU SIMAHA MADAXWEYNAHA KU MEEL GAARKA AH AL-MUKHTAAR WUXUU YIRI ANIGU DASTUURKA ETHIOPIA MABA AANAN AKHRIYIIN,KOLKAAN SOO AKHRIYO AYAAN SHIDAALKA KA HADLI DOONAA.
WAXAA FAJACISO KU NOQOTAY UMMADDII HALKAASI JOOGTAY JAWAABTA ERGEYGA GAARKA AH EE OROMIYA AL-MUKHTAR EE AH ANIGU DASTUURKA ETHIOPIA HADDAAN SOO AKHRIN.
ODAY KA MID AHAA ODAYADII DHAQANKA AYAA COD DHEER KU YIRI NINKAAS NALOO SOO MAGACAABAY,WAA NINKAAS LA SOO TAAGAN ANIGU WAXBA SOOMA AANAN AKHRIYIN,MAXAA LOO LAHAA WAXBUU QORAA ILEYN WAXAA WAX QORA NIN WAX SOO AKHRIYEY,DADKIIBAA MAR QURA WADA QOSLAY OO KU ORIYEY,
WAXAANA MADASHII KA RAACAY NAYNAAS,IYADOO LOOGA BIXIYEY MADASHII ”MUSTAFE-MAQANE”
ISKU SOO WADA DUUB DADKA SIYAASADDA U KUUR GALA WAXEY SHIRKAASI KU SHEEGEEN SHIR KALA-MAAN AH:
A- ODAYDA DHAQANKA OO RUNTA U SHEEGAY ABIY AHMED INAAN LOO YEERIN KARIN UUNA DHAMMAADAY XILLIGII CABUDHINTA
B- ABIY AHMED OO UJEEDKIISA AHAA SHIDAAL SI LOO BADBAADIYO DHAQAALE BURBURKA KU DHACAY ETHIOPIA.
C- ERGEYGA GAARKA AH EE OROMIYA AL-MUKHTAAR OO LA SOO BOODAY DASTUURKA ETHIOPIA WAAN SOO AKHRIN
HADDABA WAA KUMA ERGEYGA GAARKA EE OROMIYA AH MUSTAFE-MAQANE AL-MUKHTAAR?
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.