Inta badan Ciidankii PSF oo Dowlada isku soo dhiibay

Tirada rasmiga ah Ciidanka kasoo baxay Xerada Ilmo Diyaano ee kusoo biiray Ciidamadii hore ee PSF oo haatan lagu daray Ciidanka Badda,waa 214-Askari.

Tirada Guud ee Ciidanka PSF,waxay ahaan jirtay 400-600 oo Askari.

85-Askari,waxaa lagu qiyaasay Askarta firxatay ee kala tagtay.

95-Askari horay,waxay ugu soo gashay Dowlada oo waa Ciidankii lagu abuuray PISF,haatana loo wareejiyay Ciidanka Badda.

Marka lagu daro tirada soo xarootay Labadii Maalmood ee udanbeeyay,waxaa la qiyaasi karaa in Gacanta Ilmo Diyaano ay ku harsan yihiin Lixdameeyo Ciidankii hore.

Waxaa xusid mudan in Ciidanka hada soo xarooday ay ubadan yihiin xirfadlayaashii Hoobiyayaasha,Gaandhariyada iyo Farsamayaqaanada.

Sida ay iisheegeen Saraakiisha Ciidamada,waxaa toos loogu darayaa Ciidanka Badda,iyadoo isla Shalayba la siiyay Mushahaarkoodii oo Askari walba uu qaatay $400 .

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading