Inta badan Xildhibaanada iyo Seneterada ku matala PL Fadaraalka oo Garowe yimid

Garowe ayaa manta lagu soo dhoweeyey Xildhibanada Labada Aqal ee Dowlada Fadaraalka Somaliya.

46-Xubnood,ayaa ku matasha PL Labada Aqal ee Baarlamaanka Fadaraalka,waxaana ymid, 26-Xubnood,sidaa daaraadeed,waxaa la oran karaa sidii loogu talagalay ayay ufushay casuumadaas.

Xamar lagama seexan ilaa Xalay kadib imaanshii Deni ee Garowe,waxayna wal wal ka qabtaa Villa Somaliya in Deni Dhaqaale wado,isla markaana Mucaaradka oo idil Garowe isku shubayaan.

Baarlamaanka PL Maalinka Sabtida ah,ayuu furmayaa oo MW Deni ka jeedin doonaa khudbad laga wada sugayo gudaha iyo dibada PL.

Dhanka kale hadal kasoo yeeray Xildhibaan Qowdhan,ayaa waxaa ka Jawaab celiyay Xildhibaan Axmed Kuluc oo Baarlamaanka PL kasoo gala Gobolka Sanaag.

 

Halkan ka daawo muuqaalka hadalka

 

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading