Inta badan Xildhibaanada JL ku matala Fadaraalka oo Kismaayo gaaray

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowladda Jubbaland waxaa maanta soo gaaray inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa Aqal ku matala Dowladda Jubbaland, kuwaas oo bilowga todobaadka soo socda ka qeyb galaya kulan wadatashi ah oo uu ku casuumay Madaxweynaha Dowladda Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam.

Xildhibaanada maanta yimid waxaa garoonka diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdulle Xassan kuso dhaweeyay masuuliyiin uu horkacayay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Mudan Cabdifatax Maxamed Mukhtaar iyo xubno kale oo muhiim ah.

Jubbaland TV


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading