IRAN oo dooratay Madaxweyne cusub oo badeli doona Roxaani

Garsooraha mayalka adag ee Ebrahim Raisi ayaa hoggaaminaya doorshada madaxtinimada Iran, sida uu xaqiijiyay sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha sabtidii, maalin kaddib doorashadii madaxweynaha ee ka dhacday waddankaas.

Raisi ayaa ilaa iyo hada ku guuleystey codad gaaraya 17.8 milyan.

Khudbad uu ka jeediyay telefishanka ayaa Madaxweynaha wakhtigiisu dhammaaday ee Hassan Rouhani wuxuu u hambalyeeyay madaxweynaha la doortay, isagoon magacaabin.

“Maadaama aan weli si rasmi ah loo shaacin natiijada, waxaan dib u dhigi doonaa hambalyada rasmiga ah, laakiin way iska caddahay cidda heshay codadka,” ayuu yiri Rouhani.

Malaayiin reer Iran ah ayaa codeeyay Jimcihii tartan la filaayay in Raisi oo ah 60 jir garsoore sare ah uu madaxtinimada ku guuleysto.

Madaxweynaha la doortay ee Iran waxaa Mareykanku hore u saaray cunaqabateyn, kaddib markii lagu soo eedeeyay xadgudbay xuquuqda aadanaha, gaar ahaan dil maxaabiis siyaasadeed tobaneeyo sano kahor.

Musharaxiinta kale ayaa iyaguna u hambalyeeyay Raisi.

Sida ay qortay walaalada wararka ee Reuters, Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ku dhawaaqsa natiijada ugu dambeysa maalinta oo Sabtida, iyadoo tirinta codadka ay sii socoto. TV-ga dowladda ayaa sidaas sheegay.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading