Iran oo weerar Gantaalo ah ku qaaday Israa’iil

Iran,ayaa weerar culus oo Gantaallo ku qaaday Israa’iil Caawa.

Hawada Israa’iil,ayaa la xiray iyadoo dhammaan duullimaadyadii la weeciyay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay maamulka garoomada.

Ciraaq iyo Urdun,ayaa iyaguna xiray Hawadooda.

Madaxweyne Joe Biden,ayaa ku amray Milatariga Maraykanka in ay caawiyaan difaaca Israa’iil oo ay soo ridaan Gantaalada Iran ee lagu bartilmaameedsanayo Israa’iil.

Militariga Israel ayaa goor dhow sheegay in gantaallada ay istaageen,mana cada khasaaraha ka dhashay weerarka Gantaallada ee Iran soo qaaday.

Hanaanka Difaaca ee ka hortaga Gantaallada Israa’iil,ayaa si wacan shaqeeyay.

 

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading