Ireland, Norway iyo Spain oo si rasmi ah u aqoonsanaya  Dowladda Falastiin.

Ireland, Norway iyo Spain oo si rasmi ah u aqoonsanaya  Dowladda Falastiin.

Saddexda Waddan ee Yurub waxay rajaynayaan in la soo afjaro Tobanaan Sano oo dagaal ah oo ka socday Bariga Dhexe iyo soo nooleynta xal Laba Dowladood ah oo Israa’iil iyo Falastiin ah.

Israa’iil,ayaa si caro leh uga jawaabtay talaabada,waxayna Saddexda Waddan ku eedaysay in ay abaal-gud u siiyeen argagixisada,waxay kala baxday Safiirradeedii Saddexda waddan;itadoo si rasmi ah u canaanatay ergadoodii ka joogtay Israa’iil.

Xamaas iyo maamulka Falastiin,ayaa soo dhaweeyay aqoonsiga.

Inta badan Wadamada Xubnaha ka ah Qaramada Midoobay waxay u aqoonsan yihiin Falastiin in ay tahay Dowlad,Balse Wadamada reer Yurub in yar oo ka mid ah,ayaa aqoonsan Falastiin.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading