Isbadal weyn oo lagu sameeyay hogaankii Ciidamada Dowlada Itoobiya

Jeneraal Samora Yunis ayaa laga bedelay taliyenimadii ciidamada Itoobiya.
 
Nin la taliye sare u ah ra’isal wasaarahacusub, Abiy Ahmed, ayaa ku tilmaamay taliyaha xilka laga qaaday “shakhsiyaddii ugu muhiimsanayd milatariga” Itoobiya.
 
Fariin uu u qoray boggiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in Jeneraal Seare Mekonen noqon doono ninka bedeli doona Samora.
 
Dhanka kalana taliyihii ciidanka Cirka, Jeneraal Adem Mohamed, ayaa isna loo magacaabay in uu noqdo taliyaha nabadsugidda oo waxa uu bedelayaa Getachew Asefa oo xilkaa hayey 17 sanadood.
 
Talaabadan waxa la qaaday dhawr bilood uun ka hor markii uu shaqada ka fadhiisan lahaa Jeneraal Samora.
 
Wuxuu ka mid ahaa oo u soo dagaalamay kana mid ahaa falaagadii xukunka ka tuurtay Mengistu Haile Mariam 1991 ee Meles Zenawi awoodda u dhiibtay.
 
Tobannaankii sanadood ee ka dambeeyeyna wuxuu ahaa nin ay aad iskugu dhawaayeen Meles isla markaana xubin muhiim ah ka aha ciidamada nabadgelyada ee aadka looga baqo.
 
Waxa xilka laga qaaday laba bilood uun ka dib markii Abiy uu xilka ula wareegay si loo damiyo mudaharaaddo dawladda lagaga soo horjeeday oo socday.
 
Ra’isal wasaaruhu isbedello badan ayuu fuliyay tan iyo bishii Abriil.
 
Weriyaha BBC-da Emmanuel Igunza, oo ka soo warama magaalo madaxda Addis Ababa, ayaa sheegaya in shaqo ka fadhiisinta Jeneraal Samora ay Abiy siinayso fursad uu dib ugu qaabeeyo xidhiidhka oo la leeyahay ciidanka, kaas oo had iyo goor loo arko in uu si qoto dheer ugu lug yeeshay siyaasadda iyo dhaqaalaha.
 
Itoobiya oo qarka u saaran inuu waa cusub u baryo
Todobaadkan horaantiisii, ayaa isbahaysiga talada dalka hayaa shaaciyey in uu si buuxda u aqbalayo oo uu meelmarinayo heshiiskii nabadgelyo ee soo afjaray dagaalkii xuduudka ee Eritrea dalkaasi la galay.
 
Talaabadaasi waxay soo afjari doontaa khilaafka ka dhexeeya Eritrea ee dhaliyey dagaalkii ugu dhimashada badnaa ee xuduud Afrika ku yaal oo lagu diriro ee 1998.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading