Isbitaalka Guud Ee Garowe oo dib ucasriyay ln lagu sameeyay

MADAXWEYNAHA OO XARIGA KA JARAY ISBITAALKA WEYN EE GAROOWE OO DIB-U-DHIS IYO QALABEYN LAGU SAMEEYAY.

Garoowe: 23 september 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo safiirka Dowladda Germany ee Soomaaliya Ambassador Sebastian Groth, ayaa xariga ka jaray Isbitaalka weyn ee Garoowe oo dib-u-dhis , ballaarin iyo qalabeyn casri ah lagu sameeyay.

Ballaarinta iyo dib-u-dhiska Isbitaalka weyn ee Garoowe waxaa iska kaashaday Dowladda Puntland iyo Dowladda Germany oo adeegsanaysa Hay’adda UNICEF, waxaana lagu soo kordhiyey Isbitaalka qalabka qaliinka casriga ah, qeybta xaaladaha deg dega ah , qeybta Hooyada iyo dhallaanka oo leh dhalooyinka caruurta lagu koriyo iyo qeybta bukaan socodka ee Isbitaalka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa muujiyey muhiimada ay leedahay horumarinta lagu sameeyay Isbitaalka oo waxbadan ka dabooli doonta baahida caafimaad ee loo aadi jiray dalka dibediisa, wuxuuna ku boggaadiyey shaqada wanaagsan ee qabsoomtay Wasaaradda Caafimaadka, Masuuliyiinta Isbitaalka, Shirkadda dhistay , Dowladda Germany oo ka taageertay Puntland ballaarinta iyo qalabeynta Isbitaalka iyo Hay’adda UNICEF oo fududeysay.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Safiirka Dowladda Germany ee Soomaaliya Ambassador Sebastian Groth, Goleyaasha Dowladda Puntland, Maamulka Degmada Garoowe, Masuuliyiinta Caafimaadka, Hay’adda UNICEF, Maamulka Isbitaalka weyn ee Garoowe iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada .

Halkan ka daawo muuqaalka

 

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading