Isku socod Gaadiidka ee Magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho oo hakad ku yimid

Hakad ayaa ku yimid Gaadiidka u kala goosha Magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho, kaddib markii gaari xamuul ah oo siday xoolo uu ku dhacay Degaanka Alxamdulilaah.

Gaarigan Xamuulka ah oo ku dhacay Wadada dhex-deeda ayaa waxaa ka dhashay Khasaare, Iyadoona ay ku dhaawaacmeen Saddex qof oo kamid ah dadkii saarnaa gaariga dhacay, sida ay sheegeen dad Goobjoogayaal ah.

Sidoo kale, waxaa khasaare xooggani uu soo gaaray xoolihii saarnaa Gaariga oo ahaa Ari.

Gaadiidka inta badan ka imaanaya dhinaca Boosaaso ayaan gudbi karin maadama wadada bartankeeda uu gaarigu ku dhacay .


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading