Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Srae ee Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Maxamed Xasan, ayaa xarigga ka jaray Iskuul Casri ah oo ay ku baxday in ka badan 1 Million oo dollar, kaas oo laga hirgeliyay magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar.
Iskuulka ayaa lagu magaacabaa Rays Moder School waxaana mashruucaan waxbarasho oo dhismihiisu socday muddo ku dhow 2 sanno hirgeliyay dhalinyaro ganacsato ah, iyadoona Manhajka uu ku baxayo uu yahay midka dalka Ingiriiska, oo ay dhigi-doonaan Macalimiin ajnabi ah iyo kuwa Soomaalia ah oo kasoo laabtay Qurbaha.
Idilnews
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.