Islaamka Mudug muxuu utaagan yahay??

Islaanka Mudug taariikhiyan,waxuu utaagan yahay qiyam,qadiyad iyo loolan fog.

Islaan Bashiir,waxaa dhalay Islaan Cabdille oo ahaa Isin Xalaal cun ah,karaamo badan oo ilaaliya midnimada iyo qadiyada Bulshada.

Saldhigyadiisu waxay ahaayeen Xarfo iyo Bookh.

Kacaankii dhaqaale iyo baqdin gelinba waa ku loodin waayay mana noqon macaan jecel Islaan Cabdille.

Diidmadiisii kalitalisnimada waxay sababtay in uu halgankii Dimuqraadiyada iyo ka hor imaadka kaligii talyaha uga tago Mudug doorna ka qaato Ururkii SSDF.

Awr,ayaa looga gudbiyay Xuduuda oo lagu geliyay Halgankii SSDF.

Islaan Cabdille difaacii Gobolada Waqooyi Bari iyo dhismihii Puntland door muuqda,ayuu ku lahaa.

Waxuu ahaa Astaan utaagan midnimo,qiyam iyo Sharaf reer Mudug,Puntland iyo Somaliya.

Waa ka weynaa Qof jeebka ugala Siyaasi ama Ganacsade ama ay dhexmaraan Siyaasado Dadkiisa iyo Dhulkiisa lagu majaxaabinayo oo khatar ku ah.

Islaan Bashiir iyo haatan wax kaleba marka laga soo tago,waxaa dhaawac weyn ku ah Bulshadiisa maqnaanshihiisa iyo in uu qurba joog uxuubsiibtay.

Waxaa dayacmay Bulshada inteeda badan ee tooska hogaamintiisa dhaqan ay utaabanaysay.

Waxuu kusoo koomay la macmiilka Siyaasiyiinta,Ganacsatada iyo Aqoonyahanka oo Bulshada ka ah Boqolkiiba Toban.

Waxaan rajaynayaa in Saldanadaas Dhaqan guusheedu sii socoto.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading