Ismaaciil C. Geelle “Waxaan ka cabsi qabaa Baarlamaan Al-Shabaab maamulo inay Somalia yeelato”

Generated by IJG JPEG Library

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in uu ka cabsi qabo in doorashada nagu soo aadan ee Soomaaliya lasoo dooran doono xildhibaano si dadban ay u maamulaan Al Shabaab.

Madaxweyne Geelle oo wareysi siinayay The Afrika Report ayaa yiri “Doorashada baarlamaanka Soomaaliya waxaa la filayaa inay qabsoonto sanadka 2021-ka, waxaan ka cabsi qabaa inay kusoo afjaranto doorashada xildhibaano si dadban ay u maamulaan Al Shabaab maadama ay gadan karaan taageerada qaar kamid ah xildhibaanada”

Madaxweynaha Jabuuti ayaa intaas ku daray in saameynta Al Shabaab ay sii fiday isla markaana ay canshuur ka qaadayaan ganacsatada iyo sidoo kale inay xeryaha qaxootiga ay ka qorayaan dhalinyarada shaqo la’aanta ah.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading