Waxa aan si dhow u la socdey maalmihii dambe xiisad ka dhex aloosantay xukuumadda Puntland iyo ciidanka sida gaarka ah u tababbaran ee P.S.F. (ex P.I.S.), xiisaddaa oo sababi gaartey iska-hor-imaad foolxun oo gaysan lahaa khasaare nafeed iyo mid hantiyeed ba. Xiisaddu waxa ay ka dhalatay isbeddel lagu sameeyey hoggaanka sare ee ciidanka P.S.F., ka dib markii xeer madaxweyne lagu magacaabay agaasime cusub taariikhdu markii ay ahayd 24-tii Nofeembar, 2021.
Madaxweynaha Puntland ayaa ku celceliyey, sabab na uga dhigay, isbeddelka uu ku sameeyey hoggaanka ciidammada P.S.F., waqtigan oo uu dalku doorasho ku jiro, in uu uga gol leeyahay xoojinta nidaamka dawladnimo iyo soocelinta kaladambaynta. Waxaa ciidankan uu muranku ka taagan yahay hoggaaminaya sarkaal ay walaalo yihiin musharrixii la tartamayay madaxweynaha Puntland doorashooyinkii 2019-kii, ee loollanka adag la galay, waa Asad Diyaano ee.
Waxa aan gorfeyn kooban ku samayn doonaa qaabka ay u wajahday xukuumadda Puntland la tacaamulka ciidanka P.S.F. iyo daldaloolo waaweyn oo iiga soo baxay dawladnimada iyo dhaqanka Puntland-ta maanta joogta. Waxaa cid kastaayi ogsoon tahay in xasilloonidarro maanta ka dhacda geyiga Puntland aysan cidna dani ugu jirin. Amniga oo khalkhal gala ka sokow, waxaa wiiqmaya nidaamkii xisbiyada badnaa ee curdinka ahaa ee ay xukuumaddu ku tala jirtay in ay ka fuliso Puntland.
Isbeddelka lagu sameeyey hoggaanka P.S.F.
Waxaa isbeddelka la sameeyey iyada oo aan wadatashi la la samayn ciddii ay khuseysey. Waxaa lagu baraarugey wareegtada magacaabista ah ee lagu daabacay bogga Faysbuugga ee madaxtooyada Puntland. Waxa uu isbeddelkani yimid ka dib 13 bilood oo aysan jirin cid mushahar iyo taageero siisa ciidammadan—xukuumadda Puntland na aysan ka war haynin. Hoggaanka hawlgalka ciidammada Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika waxa uu ku war galiyey madaxda Puntland in ay joojinayaan taageerada ay siiyaan ciidanka P.S.F.—waxa uu na kula taliyay in ay taageeraan oo ka war hayaan. Bal se xukuumadda Puntland ayaa ka seexatay ciidammadaa 13 bilood, cidla na ku sii daysay, iyaga oo weli ba ay is hor fadhiyaan al-Shabaab iyo Daacish.
Ciidankan oo aan tiradooda saxa ah la shaacin ayaa ah kuwo aad loo tababbaray, dhab ahaantiina ah ciidammada keliya ee ay Puntland ku xisaabtanto marka uu xaalku adkaado; sidaas ayaa ay madaxdii hore u arkayeen, daryeel macnawi ah na u la daba joogeen. Kala furfurka laan ka mid ah laamaha amniga ugu tayada roon Puntland waxa ay micnaheedu tahay in haybaddii uu ciidankani lahaa la dilayo—argagaxisadii ay hor joogeenna aysan dib dambe uga haybaysan doonin.
Waxaa la rabey in Puntland darsi ku filan ka barato natiijadii ka dhalatay kala furfurka laamaha amniga Dawladda Federaalka markii Taliyihii hore ee Booliiska Gobolka Banaadir iyo koox ka tirsan ciidanka xoogga dalka ay sheegeen in ay ka biyo diideen sida ay wax uga socdeen caasimadda dalka ee Muqdisho, qalalaase halis ah na ay dalka geliyeen. Ciidammada Dawladda Federaalka dhacdadaa ka dib, sidoodii hore ma aha, kalsoonidii iyo haybaddiina dhaawac culus ayaa soo gaaray.
Tayaynta ciidammada Puntland
Waxaa muddo saddex sanno ah dadweynaha Puntland loo sheegayay in xukuumadda haatan talada haysaa ay ku hawlan tahay tayaynta ciidammada, iyaga oo tababbarro heer sare ah la siinayo. Taas ayaa noqotay waxba-kama-jiraan ka dib markii ay xukuumaddu adeegsatay ciidammo-beeleedyo iyo hubkoodii ay gaarka u lahaayeen, si ay u wajahaan ciidammada P.S.F.. Waxaa caddaatay in tababbarrada ay qaataan ciidankan la sheegay in ay amniga Puntland sugayaan aysan ahayn mid lagu kalsoonaan karo, muddada iyo maaddada tababbarka oo liidata daraaddood. Dhinaca kale, ciidan markii ay amar-dawladeed wax ku dilaan laga rabo magta in ay bixiyaan jifi-hoosaadkooda, ma yeelanayaan mooral ay si kalsooni ku dheehan tahay ugu fuliyaan awaamirta dawladda.
Isimmada Puntland
Waxaa soo if baxday aragtida dhabta ah ee ay hoggaanka Puntland ka qabaan doorka ay isimmadu ku leeyihiin dhaqanka iyo siyaasadda Puntland. Waxa uu madaxweynaha Puntland iska diidey oo dhaliilay talooyin iyo go’aanno ay soo jeediyeen lix isim oo ka mid ah isimmada Puntland lafdhabarta u ah. Waxa ay xukuumadda Puntland sheegtay in isimmadu ay gaareen go’aanno dhaawacaya maslaxadda iyo mustaqbalka Puntland. Waa markii ugu horreysey oo ay xukuumaddii isimmadu wax ka dhiseen 23 sanno ka hor ay sidaan ugu gefto, bahdilaadna u gaysato. Mar walba oo la is qabto ama muran xoog leh oo gacankahadal sababi kara uu u muuqdo, isimmadu waxa ay ka shaqayn jireen nabadaynta iyo maslaxadda dadka iyo xukuumadda Puntland. Waa nasiibdarro in maanta lagu eedeeyo in ay iyagu yihiin kuwa mugdiga galinaya mustaqbalka Puntland, dhaawacayana sharafteeda. Dhinaca kale, waxa ay xukuumaddu abaabushay isimmo-jifeedyo u jawaaba isimmadii waaweynaa, taas oo mar kale na tusisay niyadda dhabta ah ee xukuumadda haatan talada haysa iyo wixii u qarsoonaa.
Waxaa isu kay qaban wayday in ay xukuumaddu wiiqdo doorkii isimmadu ay ku lahaayeen dhismaha dawladda iyo iskuhaynta bulshada, iyo dhinaca kale isimmadii doorkoodii la wiiqay in laga doonayo in ay soo uruuriyaan magta marka uu askari amar dawladeed wax ku dilo.
Sawirka dhabta ah ee xukuumadda Puntland
Dhacdadan iyo dhacdooyinkii hore ee ay ka mid ahaayeen kuwii lagu wiiqay awooddii baarlamaanka waxa ay na tusayaan sawirka dhabta ah ee xukuumadda haatan talada haysa. Waxaa na markii ba soo baxaya qodobbada ay kuwani ka mid yihiin:
1. In ay caqabad walba oo soo food saarta ku xalliyaan qori caaraddii, xarig, iyo cagajuglayn.
2. In ay dagaal kula jiraan saddexdii tiir ee asaaska u ahaa dawladnimada Puntland oo kala ahaa:
b. Isimmada;
t. Culimada (wadaaddada); iyo
j. Ganacsatada.
3. In ay u adeegsato cashuurtii dadweynaha laga uruuriyey iyo deeqihii dawladaha shisheeye ay bixiyeen kala furfurka iyo aamusinta kooxaha xukuumadda dhaliilsan.
Markii intaa la isku daro, waxaa soo baxaysa xukuumadda in aysan dhab ka ahayn fulinta nidaamka xisbiyada badan, doonaysana in ay muddada ku sii kororsato, haddii uu dagaal dhacana lagu maareeyo qori caaraddii, iyaga oo adeegsanaya ciidan daacad u ah oo dadweynaha u cabburiya isla markaana waxa socdaa aysan door ku lahayn isimmada, ganacsatada, iyo culimada.
W.Q.: Nasruddiin M. Axmed
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.