Israa’iil iyo Xisbulaah oo qarka usaaran in ay dagaalamaan

Xilli dagaalka Qasa uu sii xoogeysanayo,ayaa waxaa soo baxaysa cabsi isa soo tareysa oo laga qabo in dagaal kale oo Bariga Dhexe uu ka qarxo – taasi oo cawaaqib xumo ku noqon karta Gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Israa’iil iyo kooxda Xisbullah ee Lubnaan oo ay taageerto Iran,ayaa Sagaalkii Bilood ee la soo dhaafay isku ridayay Gantaallo xadka ay wadaagaan.

Hadii colaadani isu badasho dagaal buuxa, oo xisbullah iyo Israa’iil ay dagaalamaan, waxa ay keeni kartaa in maleeshiyaadka ay Iran taageerto ee Ciraaq, iyo Yemen kus o biiraan oo ay colaada ku fido Bariga Dhexe islamarkana uu Maraykanku ku lug yeesho.

Iran lafteeda,ayaa si toos ah u faragelin karta. Qaramada Midoobay ayaa ka digtay “musiibo aan laga gudbi karin” haddii uu dagaal u dhaxeeya Xisbullah iyo Israa’iil uu qarxo.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading