Israa’iil oo Daraasiin Dad ah ku laysay Qasa

Hay’adda difaaca Madaniga ah ee Xamaas ee maamusho Qasa,ayaa sheegtay in Tobanaan Qof ay ku dhinteen duqayn Cirka ah oo ay Israa’iil ku qaaday meel gabbaad ah oo ku taal iskuul ku yaalla Magaalada Qasa.

Milatariga Israa’iil,ayaa sheegay in ay duqeeyeen goobtaas Sabtidii,iyaga oo ku tilmaamay bartilmaameedkooda xarun Taliska Xamaas oo ku dhex taal iskuulka.

Sida laga soo xigtay wakaaladda difaaca madaniga ah ee Qasa, duqaynta ka dhacday degmada Daraj waxaa ku dhintay ugu yaraan 90-Qof, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen.

“Dhimashadu waxay hadda u dhaxaysaa 90 ilaa 100, waxana jira Tobanaan kale oo dhaawac ah,”Ayuu afhayeenka Wakaaladda Maxamuud Bassal u sheegay Wakaaladda Wararka ee AFP.

“Saddex Gantaal oo Israa’iili ah,ayaa ku dhacay iskuul ay degenaayeen Falastiiniyiinta soo barakacay.”

Mar sii horeysay qoraal uu soo dhigay Telegram-ka,ayuu ku sheegay in goobta ay ka dhaceen xasuuq aad u fool xun,isagoo sheegay in shaqaalaha ay isku dayayeen inay xakameeyaan dabka, si ay u badbaadiyaan Dadka dhaawaca ah,islamarkaana ay u soo saaraan Meydadka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading