Israa’iil oo dib ubilowday weeraradii Qasa

Militariga Israa’iil,ayaa dib u bilaabay howlgallo ka dhan ah Xamaas kadib markii ay ku eedeeyeen in ay jebiyeen xabbad-joojin ku meel gaarka ahayd oo ay rasaas ku fureen dhulka Israa’iil Maanta oo Jimcaha ah.

Saacad kahor inta aysan dhicin xabbad joojinta 7-Subaxnimo, Israa’iil,ayaa sheegtay in ay qabatay Gantaal laga soo riday Qasa.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Xamaas iyo sheegashada mas’uuliyadda gantaalkan.

Xabbad-joojin socotay toddoba maalmood, oo soo bilaabatay 24-kii Noofambar oo laba jeer la kordhiyay, ayaa oggolaatay in tobannaan la haystayaal ah oo Qasa lagu haystay lagu beddelo boqollaal maxaabiis falastiiniyiin ah, taas oo sidoo kale fududaysay gelitaanka gargaarka bini’aadantinimo ee Qasa.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading