Israa’iil oo Duqaymo xoog leh ka fulisay gudaha Lubnaan

Wasaaradda Caafimaadka ee Lubnaan,ayaa sheegtay in Afar Ruux ay ku dhinteen duqayn ka dhacday Koonfurta dalkaas.

Duqaynta,ayaa haleeshay Isbitaal ay Dowladdu leedahay halkaas oo ay Wasaaradda Caafimaadku dalka Lubnaan ay sheegtay in dadka dhintay ay labo carrruur ka mid yihiin.

Sida ay wakaalada Reuters u sheegeen ilo ka tirsan Isbitaalka, duqaynta ayaa ku dhacday qaybta gawaarida ee Sibitaalka Rafik Hariri University.

Saakiisha Lubnaan waxay sheegeen in tirada dadka dhaawacmay ay gaarayso ilaa afar iyo labaatan qof.

Milateriga Israa’iil,ayaa sheegay in ay weerarayaan xarumo xiriir la leh ururka Xisbullaah.

Afhayeen u hadlay Israa’iil,ayaa mar sii horreysay sheegay in dadka ka guuraan dhowr goobood oo ku yaalla Koonfurta Beyruut.

Duqaynta xalay ayaa timi iyadoo Beyruut uu shalay gaaaray Ergayga Madaxweyne Biden u qaabilsan Bariga Dhexe,iyadoo sidoo kale dimplomaasiga ugu sarreeeya Maraykanka uu socdaalkiisi kow iyo Tobnaand ku marayo Gobolka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading