Israa’iil oo garaacday Garoonka Diyaaradaha Caasimada Siiriya

Warbaahinta Dowladda Siiriya,ayaa warisay in ciidamada Israa’iil ay diyaaradohoodu duqeeyeen garoomada caalamiga ah ee ku yaalla caasimadda Dimishiq iyo magaalada Waqooyiga ku taalla ee Xalab.

Weerarkaas,waxaa ku dhintay hal Qof,isla markaana waxay waxyeelo gaarsiiyeen Dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan, taas oo keentay in ay shaqada garoomadu joogsadaan.

Israa’iil,ayaa dhowr duqeymo ka geysatay gudaha dalka Siiriya, oo ay ku jiraan garoomada diyaaradaha, tan iyo markii uu dagaalka billowday.

Israa’iil marar dhif ah ayay qirataa weerarradeeda, laakiin waxa ay sheegtay in ay u dhaqmayso si ay uga hortagto Xisbullah iyo kooxaha kale in ay hub kala yimaadaan dalka ay xulufada la yihiin ee Iran oo sidoo kale taageerta Xamaas.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading