Israa’iil oo ku dhawaad 100-Qof oo Rayid ah ku dishay Qasa

Millatariga Israa’iil,ayaa weerarka ku sheegay mid ay ku beegsadeen taliyaha Milatariga Xamaas, Maxammed Deyf iyo Abaanduulaha Labaad ee Xamaas Rafa Salama.

Xamaas,ayaa dhankeeda beenisay sheegashada Isra’il ee ah in goobta la garaacay uu joogay Deyf, iyaga oo arrintaasi ku tilmaamay sheeko been abuur ah oo la rabo in kaliya lagu qariyo baaxadda xasuuqii foosha xumaa.

Sidoo kale Ra’isulwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu,ayaa sidoo kale sheegay in aysan wali hubin weerarka in ay ku dileen Maxammed Deyf iyo Rafa Salama.

Meydadka ilaa iyo hadda laga helay teendhooyinka la duqeeyay,waxay gaarayaan 91-Qof, halka dhaawaca uu kor u dhaafay 300.

Khasaaraha weerarkaan,ayaa lagu sheegay kii ugu xooganaa oo ka dhaca Qasa Todobaadkan.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading