Israa’iil oo looga laayay Qasa Darsin Askarteeda ah

Ciidamada Israa’iill,ayaa sheegay in Siddeed ka mid ah Askartooda lagu dilay koonfurta Qasa, ka dib markii askartan ay ka soo laabteen howlgal habeenimo ah oo ay ka sameeyeen xaafadda Tal al-Sultan ee magaalada Rafax.

Askarta ayaa saarnaa gaari gaashaaman ka dibna uu haleelay qarax weyn, baaritaan hordhac ayaa lagu sheegay in ‘qalab farsamo sare loo adeegsaday’ sida ay ciidamada Israa’iil sheegeen.

War qoraal ah oo ay soo dhigeen bartooda X, oo hore loo oron jiray Twitter, ayay ciidanka Israa’iil ku sheegeen in Captain Waseem Maxmoud oo 23 jir ah uu ka mid ahaa dadka la dilay, magacyada kale ee askarta ayey ciidamadu sheegeen in la shaacin doono marka qoysaskooda la ogeysiiyo.

Ciidamada dhulka ee Israa’iil ayaa sii wada howlgallada ay ka wadaan Rafax iyaga oo ujeedkoodka howlgallada ku sheegay inuu yahay in ay meesha ka saaraan waxa ay ku tilmaameen “ Xaruntii ugu weynayd ee ugu ugu dambaysay ee Xamaas.”

Mar sii horreysay, garabka hubeysan ee Xamaas ayaa sheegay inay gantaal ku rideen gaari gaashaaman kaddib markii ay weerar gaadmo ah sameeyeen, ka hor inta aysan gantaal labaad ku ridin ciidamadii xoojin ahaanta u yimid.”


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading