Israa’iil oo weerar ku qaaday Xaafad ku taal Raffax

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Qasa,ayaa sheegtay in 7 Falastiiniyiin ah lagu dilay weerar xagga cirka ah oo Israa’iil ku qaaday Guri ku yaalla Degmada Rafax.

Wakaaladda warrarka ee Reuters oo soo xiganaysa Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Qasa ayaa sheegtay in todobada qof ay ku dhinteen guri ku yaalla degmada Rafax ee Koonfurta Marinka Qasa.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda, weerarka ayaa sidoo kale sababbay dhaawaca tiro kale oo Falastiiniyiin ah.

Wasaaradda Caafimaadka ee Qasa,ayaa shalay sheegtay in ilaa 240 Falastiiniyiin ah la dilay tan iyo markii Israa’iil ay dib u billowday duullaanka ay ku hayso Qasa Jimcihii la soo dhaafay.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading