Itoobiya iska diiday Deked Jabuti ugu yaboohday xilli hore

Waa dhab in Jabuti xilli hore Itoobiya usoo bandhigtay in ay siinayso Xeeb ay ka dhisato Deked,iyadu leedahay.

Jabuti,ayaa usheegtay Itoobiya kaliya in ay qaadanayso Adeega iyo Saadka Dekedaas.

Balse Itoobiya,waxay ku dooday in aysan rabin Deked kaliya ee ay rabto Saldhig Ciidan Badeed.

Jabuti,ayaa ugu jawaabtay in aysan Itoobiya ahayn in ay dhisato Ciidan Badeed,sababtoo ah maba lihid Bad.

Sida muuqata Itoobiya,waxay danaynaysaa in yeelato Ciidan Badeed oo ay qayb ka noqoto loolanka Badaha.

SL oo u aragta fursad ay ku gaari karto hankeedii Jamhuuriyad Madaxbanaan,ayaa ugu ya booqday Saldhig Ciidan Badeed in ay siinayso.

Balse,waa talaabo ay SL ku deg-degtay oo aysan aad uga fiirsan,isla markaana khatar ku ah jiritaankeeda danbe.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuti oo arintan Ka hadlaya,ayaa yiri…

“Itoobiya waxaanu siinaynaa Deked ay 100% ay maamushaan, waa jid cusub oo aan Nabadda Gobolka u Jeexnay,waxayna ku taal Tajoora oo ujirta Xuduuda Itoobiya 100-Km”.

 

Halkan ka daawo muuqaalka

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading