Itoobiya iyo Sudan oo xiriirkoodii cirka isku shareeray

Milatariga Sudan,ayaa wacad ku maray in ay tallaabo ku haboon kaga falcelin doonaan dilka ay sheegeen in Itoobiya ku khaarajisay todoba qof oo iskugu jiray rayid iyo askar ay qabteen ciidamada Itoobiya.

Xukuumadda Sudan,ayaa iyaduna u yeedhatay safiirkeedii u fadhiyey Addis Ababa, hase yeeshee warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arimaha dibada Itoobiya ayaa lagu beeniyey sheegashada milatariga Sudan waxaanay wasaaraddu sheegtay in ay askartaasi ku dhinteen shaqaaqo dhex martay askar Sudan ah iyo maleeshiyaad Itoobiyaan ah.

Waxaanay warbixintu intaa ku dartay in ay dawaladda Itoobiy ka xuntahay dhacdadaas.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading