Raysul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa shalay gaaray Nairobi oo kulammo la qaadanaya hoggaamiaya kenya, Uhuru Kenyatta. Waxa ugu weyn oo ajandahooda ku jira waxaa ka mid ah: 1) Xal u helidda colaadda qabiillada Soomaalida (Dagoodi) iyo Oromada (Booran) ee xuduudka labada dal, gaar ahaan magaalada Mooyaale, ku dhexmareysa; iyo 2) Dhiirigelinta Iskaashi Dhaqaale oo dhexmara labada dal iyo guud ahaan dalalka Geeska Afrika. Hase ahaatee sababta dhabta ah sidaan waa ka duwantahay oo itoobiya waxay ka welwelsantahay doorkeeda Gobolka.
Awooddii Itoobiya ee Gobolka oo wiiqmaysa
Itoobiya walaac badan oo siyaasadda gobolka ah ayaa haatan haya. Gaar ahaan khilaafka dalalka khaliijka Carabta iyo saameynta uu gobolka ku yeeshay. Itoobiya, laga soo billaabo 1990kii, waxay aheyd dalka ugu tunka weyn, dhanka siyaasadda, tirada dadka iyo koboca dhaqaalaha, dalalka Geeska afrika. Labaatankii sano ee lasoo dhaafay oo inta badan dalalka Gobolka Geeska Afrika ay ku jireen degganaan la’aan siyaasadeed iyo colaado, Itoobiya waxa ay aheyd jaziirad ay nabad, degganaan siyaasadeed iyo horumar ka jirto.
Urur goboleedka IGAD ee dalalka Bariga Afrika ay ku bahoobeen waxa uu ahaa aalad Itoobiya ay iska leedahay oo waxay rabto u adeegsato. Dalalka Gobolka kii ay doontana waa ku duuli jirtay (sida Soomaaliya) kii ay doontana farogelin ayay ku sameyn jirtay (sida Suudaan oo kala go’itaankeeda ay qeyb ku laheed). Labadaas waddan—illaa iyo hadda—waxaa jooga ciidamo Itoobiya ay leedahay oo nabad ilaalin ah. Hase ahaatee, haatan awooddii Itoobiya ee gobolka ayaa waxaa wiiqaya Khilaafka Khaliijka ee u dhaxeeya dalka Qatar iyo Turkey oo gooni ah iyo Imaaraatka Carabta, Sacuudiga, Baxreyn iyo Masar oo ayaguna gooni ah. Khilaafka dalalkaan u dhaxeeya wuxuu soo billaabmay bishii Juun ee sanadkii 2017, kadib markii Qatar lagu eedeeyay inay xariir la leedahay dalka Iran iyo inay maalgeliso kooxaha argagixisada ah.
Khilaafku awwoodii Itoobiya ee gobolba dhowr qaab ayuu u wiiqayaa:
Kow, Eritreeyaa, oo ah cadowga Itoobiya oo muddo badan go’doomin siyaasadeed & dhaqaale ku jirtay ayaa kalinnimadii haatan kasoo baxeysa. Imaaraatka Carabta & Sacuudigu halkaas waxay ka dhisteen saldhig ciidan oo weyn oo ay u adeegsadaan dagaalka Yemen ay ka wadaan eek a dhanka Kooxda Xuutiyiinta. Eritreeya, sidoo kale, ciidamo ayay ugu deeqday xulufada carabta si ay uga qeyb-galaan dagaalka Yemen. Intaas bedelkeeda, Eritreeya waxay heshay dhaqaale faro badan waxayna kasoo baxsay go’doonkii ay ku jirtay. Arrintaas Itoobiya aad ayay u dhibtay. Suudaan ciidan iyo dekad ayay ugu deeqday xulafada Carabta. Jabuuti iyo Soomaaliya waxay ugu deeqeen dekadahooda iyo hawadooda in laga weeraro Xuutiyiinta. Sidoo kale Soomaaliya waxaa saldhigyo ciidan ka sameystay dalalka Bariga Dhexe, Sida Turkiga (oo Muqdisho ku leh fariisin) iyo Imaaraatka Carabta oo Berbera haatan saldhig ka dhisanaya iyo Jaziiradda Suqaaadra eek u taalla Bahdeynta Hindiya ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Yemen.
Labo, Masar, oo Itoobiya uu kala dhaxeeyo khilaaf dhanka biyaha webiga Niil, ayaa iyaduna gobolka usoo tafaxeydatay ayadoo garab ka haleyso dalalka Carabta ah ee kasoo horjeedo Dawladda Qatar. Haddii ay dhacdo in Masar, oo xariir wanaagsan aan la laheyn dalalka Bariga Afrika isla markaana Itoobiya uu tartan taariikhi ah kala dhaxeeyo, ay dalalka gobolka xariir wanaagsan la yeelato waxaa hoos u dhacaya awoodda Itoobiya.
Saddex, Khilaafka Carabtu siduu u billoowday, dalalka gobolka Bariga Afrika waxay usii jeesteen dhanka Khaliijka Carabta. Tusaale, madaxda Soomaalida oo maalin walba Addis Ababa kusii qulquli jiray haatan waxay u qaraab doontaa Abuu Dhabi. Halkaas waxaa hoos ugu dhacay saameyntii iyo muuqii Itoobiya.
Afar, Khaliijka Carabtu waa meesha fikirka argagixisadu ka yimid, kooxaha Jihaad doonka ahna laga maalgeliyo, sida Daacish iyo Al-Shabaab. Xittaa haddii Dawladdaha Carabtu argagixisada aysan maalgelin, muwaadiniintooda ayaa maalgeliya. Lacagaha badan oo Carabtu haatan Gobolka kusoo daayeen waxay welwel gelisay Itoobiya & weliba Kenya oo ciidamadoodu ay AMISOM ka mid yihiin. Waxay ka cabsi qabaan in lacagahaas ay Al-Shabaab gacanta u galaan, kadibna dalalkooda lagu soo weeraro oo ammaankooda dhib lagu geliyo.
Itoobiya Arrimahaas sidee uga Falcelisay?
Itoobiya, oo ka welwelsan khatarta uga imaan karta faragelinta dalalka Khaliijka ay gobolka ku hayaan iyo awoodda ay leedahay oo ah in aysan is horti taagi karin, ayaa waxa ay go’aansatay in ay dhowr qaab uga falceliso tartanta Carabta.
1. Ugaarsiga Dekadaha
Itoobiya, si ay uga gaashaamato hardanka dalalka Bariga Dhexe ku dhexmaraya Geeska Afrika, waxa ay go’aansatay in ay saami ku yeelato dhammaan dekadaha gobolka, marka laga reebo Eritreeya, Sida Berbera, Port Sudan (oo Suudaan ah), Dooraleh oo Jabuuti ah, Mombasa (oo haatan la filayo inay Kenya kala hadasho) iyo Kismaayo iyo Baraawe oo la hadal hayo in ay dooneyso inay mustaqbalka dhow lug ku yeelato. Ugaarsiga dekadaha waxaa la rumeysanyahay in Addis Ababa 3 hadaf ka leedahay: 1) In ay u hesho marin badeed shacabkeeda 100ka milyan ka badan ay wax kala soo degaan, waxna ka dhoofiyaan. Itoobiya—oo ah dalka ugu koboca dhaqaalaha badan qaaradda Afrika—dhul beereed wanaagsan ayay leedahay, waxsoosaarkeedana dekad ay ka dhoofiso ayay dooneysaa maadaama ayadu aysan bad laheyn; 2) Itoobiya, haddii ay dhacdo dalalka Carabtu inay qabsadaan dhammaan dekadaha Geeska Afrika, waxay dooneysaa in ay cod ku yeelato sida dekadahaas loo maamulo maadaama ay saami (share) ku leedahay, iyo 3) in ay kusii ceshato kalsoonida sii lumeysa ee dalalka gobolka ayadoo dhanka dhaqaalaha iyo maalgashiga usoo mareysa.
2. Shukaansiga Dalalka Gobolka
Addis Ababa, ayadoo isku dayeyso in ay hor istaagto saameynta sii kordheysa ee dalalka Bariga Dhexe ay ku yeelanayaan kuwa Bariga Afrika, ayaa waxay go’aansatay in ay shirar diblumaasiyadeed la yeelato dhammaan dalalka IGAD.
Isbuucii tegay Raysul Wasaare Abiy Axmed wuxuu la kulmay Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaciil Cumar Geelle. Safarka Abiy Axmed uu ku tegay Jabuuti wuxuu sababay in Itoobiya saami ku yeelato dekadda weyn ee Jabuuti. Dekadaan dhowaan waxaa laga soo eryay shirkada DP World ee Imaaraatka Carabta laga leeyahay oo muddo sanado ah maamuleysay. Jabuuti, dhankeeda, fursad waxaa loo siiyay inay maalgashato shirkadaha waaweyn ee dawladda Itoobiya leedahay, Sida Ethiopian Airlines, Ethiopian Electric Power iyo Ethio Telecom. Waxaa la rumeysanyahay saamiga Dekadda Jabuuti in looga dan lahaa in looga hortago in dalalka Bariga Dhexe aysan maalgashi ku sameynsan dekadaas. Abiy wuxuu sidoo kale sheegay inay wanaagsantahay in shirkadaha labada dal (Jabuuti iyo Itoobiya) laga leeyahay uusan dal kali ah gooni u sheegan ee la wada sheegto—taasoo caddeynayso baaxadda isdhexgalka Itoobiya ay dooneyso.
Raysul wasaare Abiy wuxuu Khamiistii hore booqasho uu ku tegay dalka Suudaan kula kulmay Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir. Labada dal waxay ku heshiiyeen in Itoobiya ay saami buuxa, in kastoo la shaacin qiimahiisa, ku yeelato dekadda Port Sudan ee Badda Cas dhacda. Dekaddaan waxaa horay u maalgashatay Dawladda Turkiga, oo haatan ka dhiseysa Goob Dhaqaale oo Xor ah (Free Economic Zone) iyo saldhig ciidamo badeed. Waxaa la rumeysanyahay maalgashiga Itooobiya in looga danleeyahay in kaliya ay meesha cod/go’aan ku yeelato ay Turkiga kula tartameyso.
Haatan Abiy Axmed wuxuu la shirsanyahay Uhuru Kenyatta, waxaana labada hoggaamiye ka wada hadleen isdhex-galka dhaqaalaha iyo bulshada labada dal. Kenya waxay Itoobiya ka iibsan doontaa 400 MW(Mega Watts) oo koronto ah kadib marka Itoobiya dhammeystirto biyo-xireenka webiga Niil ay ka dhiseyso kaasoo ay dooneyso inay koranto badan ka dhaliso una dhoofiso dalalka deriska ah. Waxaa sidoo kale la qiyaasayaa in laga wada hadli doono sidii Itoobiya saami ugu yeelan laheyd dekadaha Mombasa ama Lamu midkood ee dhacda Badweynta Hindiya.
Gabagabo
Itoobiya waxay ka welwelsantahay saameynta Khilaafka dalalka Bariga Dhexe uu yeeshay dalalka Bariga Afrika inuu dhimayo awoodeedii gobolka oo sanado badan ay hoggaanka u haysay. Hadafka guud ee xusul-duubka diblumaasiyadeed ee Addis Ababa haatan ku jirto ayaa ah in Eritreeya karantiilka siyaasadeed iyo dhaqaalo ka bixin, in Masar aysan fursad ka dhex helin Geeska Afrika iyo in ay ka hortagto saameyn xun oo khilaafka khaliijku uu ku yeesho dalkeeda. Qaabka ugu weyn ee Itoobiya ay dooneyso inay hadafkaan ku gaarto ayaa ah dhiirrigelinta iyo ka shaqeynta isdhex-gal dhaqaale iyo mid bulsho oo buuxa oo gobolka Geeska Afrika dhexmara
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.