Itoobiya ogolaatay in ay Badhame ku wareejiso Ereteraya

Ra’isalwasaare Abiye oo ah masuul dhalinyaro ah furfuran oo leh aragti bisayl ku fadhida,ayaa la yimid isbadal hogaamineed oo ay shacabka Itoobiya ilaa iyo hada ku faraxsan yihiin..
 
Abiye isbadalada ilaa iyo hada uu la yimdi waxaa laga xusi karaa..
 
1.Qaadida amarka deg-deg ah ee saarnaa dalka.
 
2.Aqbalida go’aanka Xuduuda ee Qaramada midoobey.
 
3.Ku dhawaaqis furfurida ganacsiga sida Taleefoonada iyo Internet-ka.
 
Dowladda Ethiopia ayaa talaadadii ku dhawaaqday in ay Eritrea siin doonto dhul muddo lagu murunsanaa.
 
Guddiga fulinta ee isbaheysiga talada haya ee EPRDF ayaa sheegay inay u hogaansami doonaan heshiiska Algiers ee lagu xukmay xuduudda kala qeybisa Eritrea iyo Ethiopia.
 
Beesha caalamka ayaa taageertay go’aankan oo la saxiixay sanadii 2002, waxaana labada dhinac ay ogolaadeen in ay u hogaansamaan xeerarka golaha xuduudaha ee QM.
 
Hase yeeshee Ethiopia ayaa is-hortaagtay kala qeybinta xuduudda, waxaana taas ay dhalisay 16 sano oo xiisad colaadeed ah iyo dagaallo dhex-maray labada dal ee deriska ah.
 
EPRDF ayaa sheegay in go’aanka ay qaateen talaadadii uu yimid kadib markii ay dib u eegeen xaaladda Ethiopia iyo Eritrea, sidaas darteedna ay go’aansadeen in la joogteeyo nabadda dadka labada dal.
 
Magaalada Badme oo xuddun u ahayd dagaalka labada dhinac ayaa guddiga siiyey Eritrea, waxaana sanado badan kadib ay Ethiopia hadda aqbashay in Eritrea ay qaadato magaaladaas.
 
Go’aanka ay Itoobiya ku ogolaatay in ay aqabasho,ayaa noqonaya mid taariikhiya oo muujinaya isbadal weyn oo ku yimid hogaanka Itoobiya.
 
Isku soo wada duuboo Itoobiya ayaa umuuqata in ay heshay hogaamiye uqalma xiligan in uu hogaamiyo dalkaas ka mid ah kuwa ugu muhiimsan guud ahaan Qaarada Africa.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading