Itoobiya oo dhameystirtay buuxinta Biyo-xireenka Wabiga Niil

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed,ayaa Axadda maanta ah ku dhawaaqay in Itoobiya ay dhameystirtay buuxinta biyo-xireenka weyn ee ay ka dhistay Wabiga Niil, kaasi oo keenay xiisad kala dhaxaysay dalalka ay biyaha wabigu u hooraan ee Masar iyo Suudaan.

“Farxad weyn ayay ii tahay in aan ku dhawaaqo in aan si guul ah ku dhamaystirnay buuxintii afraad ahna tii u dambaysay ee biyo-xidheenka,” ayuu Abiy ku yiri farriin uu ku soo qoray X, oo markii hore lagu magacaabi jiray Twitter. Hadalkan ayaa ku soo beegmay iyadoo wadaxaajoodka saddexda dal uu 27-kii August dib u billowday.

“Waxaa jiray caqabado badan, marar badan ayaa nalagu riixay in aan dib u laabanno. Waxaa na soo maray loolan gudaha ah iyo cadaadis dibadda ah,” ayuu yiri.

Biyo-xireenkan oo ay Addis Ababa u aragto mid aad muhiim ugu ah ayaa dhismihiisu ku kacay lacag dhan 4.2 bilyan oo dollar, waxaana tan iyo markii ay Itoobiya daahfurtay mashruucan sannadkii 2011-kii ay Masar ka cabsi qabtay in uu dhimayo qaybteeda biyaha Niilka.

Wadahadallada hadda socda, oo dib u soo laabtay ku dhawaad laba sano iyo bar ka dib, ayaa ujeeddadoodu tahay in la gaaro heshiis “tixgelinaya danaha iyo walaacyada saddexda dal,” ayuu yiri wasiirka waraabka ee Masar Hani Sewilam, oo boorriyay “in la joojiyo tallaabooyinka halka dhinac ah”.

 

AP.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading