Itoobiya oo dhir badan soo gaarsiinaysa deegaanka Puntland, & baaq loo diray shacabka

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland ayaa ku dhawaaqday in 25 ka bishaan September ay soo gaari doonto qaybtii koowaad ee dhirtii loogu tala galay in lagu beero dhamaan deegaanada Puntland. Dhirta oo isugu jiri doonta dhir hareed, dhir mirood iyo dhir ubax leh ayaa beeristeeda waxaa iska kaashanaya Puntland iyo Qunsuliyadda Itoobiya ee Puntland.

Wasaaradda deegaanka Puntland ayaa u soo jeedisay maamulada degmooyinka, ardayda, qaybaha bulshada iyo cidkasta oo danaynaysa iney ka qayb qaataan cagaarinta iyo qurxinta dhulkeena.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading