Itoobiya oo ka dalbatay Kenya in ay dhexdhexaadiso Somaliya

Warar soo baxaya,ayaa sheegaya in Abiy xiriir lasoo sameeyay Madaxweynaha Kenya,isagoo ka codsaday in uu wada hadal siiyo Madaxweynaha Somaliya Xasan Shiikh.

Wararku,waxay sheegayaan in Ruto aqbalay codsiga Abiy uuna dhawaan imaan doono Muqdisho si u bilaabo dhexdhexaadinta.

Xogo hordhac ah oo laga helayo arinkaas,ayaa sheegaya in Abiy laga maqlay ka laabashada heshiiskii isfahan ee SL uu la galay.

Dadka Itoobiyaanka ah ee Siyaasada la socdaa,waxay kuu sheegayaan in Tigreega oo markan Sxb la ah Abiy ay arinkan ka danbeeyaan oo iyagu kasoo dhameeyeen dhanka SL.

Inta badan Saraakiishii iyo Diblomaasiyiintii Tigreega,ayuu Abiy dib uhawlgeliyay,waxaana ka mid ah Gabre oo laga dhigay Talye xigeenka Wardoonka Itoobiya.

Dad badan oo Itoobiyaan ah,ayaa aaminsan in Tigreegu karkaarka waydaarinayaan Abiy oo qorshahan ugu talagaleen in uu ku fashilmo.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading